Heshiis Rasmi: Kooxda Brighton oo lasoo wareegtay xidig aad u cajiib ah

Heshiis Rasmi Kooxda Brighton oo lasoo wareegtay xidig aad u cajiib ah

Kooxda Brighton ayaa heshiis rasmi ah kula soo wareegtay da’yarka reer arjentin Valentin Barco kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Boca Juniors ee ka dhisan dalka arjentiin.

Heshiiska ayaa gaaraya ilaa 2028 Jun waana heshiis afar sano iyo bar ah qiimaha lagula soo wareegay xidaga oo gaaray 7.87 million oo pond.

Ciyaaryahanka ayaa ka ciyaara dambeedka bidix sidookale waxaa uu ka ciyaari karaa garabka bidix ee weerarka.

Barco ayaa kooxdiisa Boca u safta 35 kulan oo rasmi ah.

Kooxda brighton oo ka hadashay heshiiska xidiga ayaa sheegeen “Barco muddo ayaa isha ku heynay oo la soconay horumarka uu sameeynaayay” sidaa waxaa yiri agaasimaha farsamada kooxda ee David Weir

Waxaa uu ku daray hadalkiisa “waan ku faraxsanahay in da’yarkaan aan lasoo saxiixanay waxaan siin doonaa fursad uu kula qabsada horyaalka premier league”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*