Jordan Henderson oo ka hadlay “Go’aanki aan kaga soo tagay kooxday Al Ettifaq”

Jordan Henderson oo ka hadlay "Go'aanki aan kaga soo tagay kooxday Al Ettifaq"

Kabtanki hore ee kooxda liverpool Jordan Henderson ayaa ka tagay kooxdi uu kabtanka ka ahaa ee liverpool suuqi kala iibsiga ee July 2023

Ciyaaryahanka ayaa kaliya 6 bilood kasoo ciyaaray horyalka sacuudiga ayaa isaga tagay kooxdiisi Al Ettifaq isaga oo hadda ku biiray kooxda Ajax ee dalka holland.

Sababo dhowr ah ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay go’aanka ka tagidiisa kooxda Al Ettifaq hase ahaate ciyaaryahan ayaa mar laga weydiiyay arintaas wuxuu ku jaawabay “go’aanka aan kaga soo tagay kooxda Al Ettifaq waa go’aan aniga ii gaar ah kuna saabsan kubada cagta, dabcan horyaalka sacuudiga iyo dadkiisaba waxaan u haya qadarin”

Sidookale waxaa uu ku daray mar laga weydiiyay Kooxdiisa cusub ee Ajax ayaa wuxuu ku jawaabay “dabcan waan doonayaa in kulankeygi ugu horeeyay aan safto “

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*